Shir ay ku yeesheen xaruntooda dhexe xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa waxaa lagaga hadley qaraxyadii iyo weeraradii lagu qaadey dhismaha hey’adda garsoorka soomaaliya,waxaana dood iyo flaqeyn dheer kadib shirka laga soo saarey qodobadan:
1 qaraxyada iyo weerarada keeney dhimasho iyo dhaawaca faraha badan waxey ku timid qadarka alle kasokow dayacaad iyo karti daro ay leeyihiin hey’adaha amniga iyo wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
2 hadii ay qaadan waayaan eeddu waxey dusha ka saarantahey xukuumada uu hugaamiyo dr cabdi faarax shirdoon saacid.
3 r/wasaaruhu waa in uusan difaacin eed muuqata oo loo wada jeedo ee ha taabsiiyo hey’adda ama wasaarada dayacdey hawshii loo direy si xukuumada inteeda kale u badbaado.
4 raga weerarka fuliyey waxey gashanaayeen direyski ama tuutihii maalin ka hor lagu marey gaada ka ciyaarkii loo sameynayey sanadguradii aas aaska ciidanka xoga dalka soomaaliya xagee ama sidee ayey ku heleen?waa in xukuumadu shacabka ka shaafisaa,uma jeedno barlamaan xukuumada la xisaabtamayee!
5 ugu danbeyntiina waxaa qoraalka shirka kasoo baxey lagu cadeeyey in hada wixii ka danbeeya laga aamusi doonin dhaliilaha muuqda ee fulinta qaranka somaaliya,cid kastana lagula xisaabtamayo hawsha uu qaranka u hayo.
F. G waxaan eedda ka marneyn ciidamada amisom oo aan qabno in ay fududeeyeen fulinta hawshan iyagoo uga gol leh in ay soo farageliyaan hawlaha garsoorka soomaaliya.
Waxaa qoraalka ku saxiixnaa kusimaha gudomiyaha xmjs ahna gudomiye kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic.




