Odayaasha beelaha muqdisho oo sheegey in aysan jirin wax la yiraa jubaland maamulka faroolena ku eedeeyey in ay qas ka wadaan kismaayo.

0
572

Odayaasha beelaha muqdisho ayaa sheegey in aysan jirin wax la yiraa jubaland ayna iyagu metelaan dadka ugu badan ee gobolka j/hoose degan,isla markaana ay kasoo horjeedaan shirka la sheegayo in uu kismaayo ka socdo.

Odayaasha oo uu u hadlayey afhayeenka odayaashaasi nabadoon axmed diiriye cali ayaa cadeeyey in aysan aqoonsandoonin waxa shirkaas kasoo baxa,isagoo dhanka kale ku eedeeyey maamulka puntland in ay faragelin ku hayaan arrimaha kismaayo,isagoo axmed diiriye yiri:-
hadiiba nin boosaaso ama garoowe kasoo jeedaa talo ku leeyahey kismaayo anigaa leh talada ugu culus ee arrimaha kismaayo,dadka ugu tirada badan deegaanka kismaayo anigaa ah odeygooda ama nabaddoonkooda dhibaatana kama shaqeeyo ee waxaan ka hadlaa danta caamka ah,hadiise kismaayo la qabyaaladeeyo nina ma qaadan karo dhulkeyga ee waxa ay puntland wado yaan lagu kadsoomin dhibaato ayaa ka imaan doontee.

Odayaasha beelaha muqdisho ayaa ah kuwo taageersan siyaasadda m/weynaha,lamana oga waxa ay ka biyo diidsanyihiin m/weynaha iyo odayaasha beelaha uu ku abtirsado ee hawiye.

Maahan markii ugu horeysey ee odayaasha muqdisho ka hadlaan kismaayo hase yeeshee hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo la shaaciyey in la ansixiyey dastuur la sheegey in lagu dhaqayo wax loogu yeerey jubaland state.