Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’iisul Wazaare Saacid Oo Maanta Gaaray Magaalada Adis Ababa.

0
490

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada
Federaalka Soomaaliya iyo wafdi
uu hogaaminayo ayaa maanta
gaaray magaalada Addis ababa
ee xarunta dalka Itoobiya, iyaga
oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti
oo muddo labo cisho ah ay
booqasho ku joogeen.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa
safarkan ku wehliya Marwo
Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi,
Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo
Gaashaandhigga Cabdikariin
Xuseen Guuleed iyo Cabdixakiin
Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir
kuxigeenka ganacsiga Maxamed
Cali Xaggaa iyo saraakiil ka tirsan
xafiiskiisa.

Sidoo Kale Wafdiga ayaa waxaa garoonka
ku soo dhoweeyay Wasiirka
Shaqada iyo arrimaha Bulshada
Mudane Cabdifataax Sheekh
Cabdullaahi iyo xubno kale,
waxaana loo soo galbiyay
hotelka Sheraton Ee Dalkaasi Ethopia.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu Ayaa U Jeedkoodu Waxa Uu Ahaa Sidii
ay uga qeybgali lahaayeen
dhismaha hay’adda loogu magac
daray Ra’iisal Wasaarihii hore ee
Itoobiya Meles Zenawi oo lagu
magacaabo (Melese Foundation),
waxaana munaasabadan lagu
soo bandhigi doonaa
waxqabadkii Ra’iisul Wazaarihii Hore Ee Dalka Ethopia Meles Zenawi.