Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada ayaa ku dhintay afar kale oo rayid ahna waa ay ku dhaawacmeen iska hor
imaad ciidamo ka wada tirsan
dowladda ku dhex maray
degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Sida Ay Sheegayaan Dad Goobjoogayaal Ah in iska
hor imaadka uu ka dambeeyay
markii uu is maandhaaf soo kala
dhex galay Ciidamo ku sugnaa
xaafada Ciise Cabdi oo ku lahaa
bar koontarool iyo ciidamo cusub oo dhowana halkaas la
Dagay.
Israsaaseynta U Dhaxeysay ciidamada ayaa muddo daqiiqado
ah ay Socotay
isla markaana qal qal badan u
soo wajahay dadka ku nool
Dayniile.
Ciidamo ka tirsan booliska
degmada Dayniile ayaa soo kala
dhex galay ciidamada
Ku dagaalamay Degmadaasi Dayniile.
Iska hor imaadyada dhex mara
ciidamada dowladda dhexdooda
ayaa noqday wax iska caadi ah
oo ka dhaca magaalada
Muqdisho.




