“Max’ed Xasan Xaad” Ciidamada Kenya Ee Kismaayo Ku Sugan Waa In Dagaal Jihaad Ah Lagu Qaadaa.

0
470

Max’ed Xasan Xaad oo ka mid
ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Waxa Uu sheegay in
Shirka Maamul u sameynta
Jubooyinka ee Kismaayo ka
socdaa uu yahay Mid Dowladda
Fededraalka Lagu Carqaladeynayo.

Xaad Ayaa Sidoo Kale wuxuu sheegay in Kenya iyo
Itoobiya oo Soomaaliya dhul ka
haysta mid kale in ay ku
darsadaana doonaya ay Shirkaas
wadaan Siduu Sheegay Max’ed Xasan.

Waxa Uu Dowladahaas ku tilmaamay
kuwo doonaya in iyaga danahooda la fuliyo Waxa Uuna Intaasi Raaciyey
askarta Kenya ee Kismaayo
joogta in Shirkaas
ay ilaalo ka hayaan loona baahan
yahay in Dagaal Jihaad ah lagu
qaado Isagoona Ciidamada Uganda iyo Burundi
ku tilmaamay kuwo Sharci
u jooga dadka
Soomaaliyeedna ay Nabadda ka
caawinayaan.