Waxaa maanta ka dhooftey garoonka caalamiga ah ee aadan cadde r/wasaare kuxigen ahna wasiirada arimaha debedda fawsiyo xaaji aadan,iyadoo u dhooftey dalka ethiopia.
Wasiirada ayaa kaga hormareysa dalka ethiopia wafdi kale oo uu r/wasaare saacid horkacayo kaas oo la filayo in uu isna gaaro dalka ethiopia,si ay ugu gogol xaarto ayey wasiiradu uga hormareysaa wufuuda r/wasaare saacid oo hada ku sugan dalka jabuuti.
Safarka fawsiyo xaaji aadan ma ahan kii ugu horeeyey ee ay ethiopia ku tagto balse safarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo muran ka jiro maamul u sameynta kismaayo oo ay ku kala aragti duwanaadeen dawlada kenya iyo tan soomaaliya ka jirta,halkaas oo ay xukuumadu goosatey in ay xubnaha egad weydiisato taageero xaga fekerka iyo aragtida maadaama ay iyadu tahey dawlada sharciga ah ee uu dalka soomaaliya leeyahey,ayna qalad tahey in dalalka ciidamadu ka joogaan soomaaliya ay farageliyaan maamulka iyo xeerarka dalka soomaaliya u degsan.




