Xildhibaano maanta gaarey gobolka sh/dhexe sheegeyna in ay kala xisaabtamayaan xukuumada dhibaatooyin ay arkeen.

0
558

Waxaa maanta gaary xildhibaano gaaraya labaatan gobolka sh/dhexe gaar ahaan magaalada jawhar,kuwaasoo la sheegey in ay u kuur gelayeen xaalada nabadgelyo iyo nololeed ee ay ku suganyihiin shacabka gobolkaas.

Xildhibaanada barlamaanka ayaan hore u aadi jirin gobolada balse hadda waxaad moodaa in ay u kala miirmayaan qabaa’ilka ay kasoo kala jeedaan iyo goboleysi qabyaalad salka ku haya,waxaana sidan oo kale booqasho ku jooga gobolka baay xildhibaano uu hor kacayo gudoomiyaha barlamaanka maxamed sh cusmaan jawaari.

Booqashooyinkan xildhibaanada qaar gobolada ku aadeen ayaa imaneysa iyadoon kalfadhigii barlamaanku xirmin,waxeyna taa ku micneeyeen siyaasiyiin iyo wax garad waayo arag u ah hawlaha barlamaanka in ay xubnaha barlamaanku ka warwareegayaan hawlo badan oo qaranku u baahanyahey,ayna rabaan sidii kuwii kmg todobada sano cuney in iyana afarta sano micno daro ku dhameeyaan.