Dawlada federalka iyo maamulka raaskamboodi oo isku afgaranwaayey habka iyo qaabka maamul loogu sameynayo jubada hoose..

0
525

Dawlada federalka iyo maamulka raaskamboodi ayaa isku afgaranwaayey habka maamul loogu sameynayo kismaayo,waxaana lagu soo waramayaa in dawlada federalka oo uu horkacayo r/wasaare saacid ay doonayaan in maamul kmg ah oo mudo lix bilood ah shaqeyn doona haseyeeshee ay ku gacanseyreen maamulka raaskamboodi.

Maamulka hada magaalada ka arrimiya ee raaskamboodi ayaa sheegey in ay ka go’antahey in ay ismaamulgoboleed ku dhawaaqaan ayna diyaar u yihiin oo keliya in madaxda dawlada dhexe ka socotaa ay shirka furaan goob joogna ka noqdaan,si dadka deegaanku ugu madaxbanaanaadaan aayahooda maamul cidii ay rabaana doortaan.

Shirka ay maanta isugu yimaadeen labada dhinac oo leysku afgaranwaayey ayaa waxaa lagu magacaabey gudi xaga dhaqanka ah oo kasoo talo bixiya sidii meel leysugu keeni lahaa fekradaha ay kala wataan labada dhinac,kuwaasoo siyaabo kala duwan ula kulmi doona dhinacyada is haya,lamana oga halka ay u dhici doonto mustaqbalka talada kismaayo.