Ururka jaamacadda carabta oo shir uga furmey dalka qadar ayaa la sheegayaa in uu soo gabangaboobey,iyadoo aanu kasoo qeybgelin xoghayaha guud ee jaamacada carabta akhdar ibraahimi.
Dawladaha carabta ayaa isku khilaafey cidda ku fariisaneysa kursiga dalka syria taas oo la sheegey in ay la xiriirto maqnaanshaha xoghayaha guud ee jaamacadda carabta akhdar ibraahimi,waxaana lagu soo waramayaa in kursiga dalka syria ay fariisteen mucaaradka dalka syria oo dagaal kala dhaxeeyo xukuumada bishaar xaafid al-asad oo isaguna wacad ku marey inta naftu ku jirto in aanu wax tanasula u sameyneyn mucaaradka kasoo horjeeda.
Shirarka ururkan jaamacadda carabta ayaa dhaca iyadoon faa’iido badan kasoo bixin in ay iyagu isku khilaafaan mooyee waana shirar loo arko in ay maamulaan shisheeye kor kala socda arrimaha carabta,sidaas darteed shirkan qadar hada ka dhacey wuxuu muujiyey inta kasoo horjeeda m/weynaha iyo xukuumada ka jirta dalka syria.




