Xarakada alshabaab ayaa guulo ka sheegtey dagaal maanta ka dhacey duleedka garbahaarey xarunta gobolka gedo,waxaana la sheegayaa dagaalka oo markii hore ku bilawdey rasaas yar yar uu markii danbe usu bedeley mid weyn kadib markii labada dhinacba ay gurmadyo soo kala gaareen.
Shekh cabdulcasiis abu muscab oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegey in ay ka guuleysteen waxa uu ugu yeerey gaalo iyo murtidiin isasoo baheystey,isagoo sheegey in ay ku qasbidoonaan in ay isaga baxaan gayiga soomaaliya.
Shekh c/casiis abu muscab ayaa intaa ku darey in aysan maanta jirin murtadiin marin habaabinaya jihaadka una ceeb qarinaya gaalada isagoo ula jeeda waqtigii isbaheysigii asmara ee sh/shariif heshiiski ay sheegeen in ay etobiya uga baxdey soomaaliya,wuxuuna tusaale usoo qaatey deegaano ay kamid yihiin ceelbuur iyo wabxo oo sheegey in ay xabad uga saareen itoobiyaanka.
Shekh c/casiis abu muscab ayaa wacad ku marey in ay sii wadayaan dagaalka inta hal gaal ku suganyahey ciida soomaaliya ayna huwanta ku wada celin doonaan iyagoo baqtiyey ama cagaha wax ka dayaya oo cararaya.




