Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday iney kasoo reeyneyso xaaladda maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan maxaabiistii uu dhowaan soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Gaashanle Sare Maxamed Xuseen Axmed oo ah Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee maxaamiistii uu soo ritay cudurka Shubanbiyoodka ay soo hagaagtay kadib markii ay dowladu gaarsiisay gargaar caafimaad oo deg deg ah.
Sidoo kale taliyaha ayaa intaa raaciyay in cudurkaasi uu u geeriyooday mid ka mid ah maxaabiista, isagoo xusay iney hoos u dhacday tirada maxaamiista uu soo rito cudurkaasi, wuxuuna tilmaamay in hadda ay u jiifaan Lix ruux oo kaliya, kuwaas oo sida uu sheegay ay xaaladoodu ka soo reyneyso.
‘’Cudurka shubanbiyoodka hoos ayuu u dhacay kadib markii gurmad laga sameeyay dhinaca nadaafada iyo dawooyinka waxaana xabsiga yimaada dhaqaatiir kaladuwan oo daweeya maxaabiista’’Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed G/Sare Maxamed Xuseen Axmed.
Taliyaha ayaa sheegay in xabsigu uusan aheyn meel dadka lagu ciqaabo balse uu yahay dugsi tababar oo lagu dhaqanceliyo dadka dambiilayaasha ah, waxaana gacanta ku haya xabsiga ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ku dadaala ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo daryeelkoodaba.




