Dad ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxii maanta lala beegsadey khalif axmed ereg oo la dhigey cisbitaal madiina..

0
518

Dhaawacyo ka badan labaatan ayaa la dhigey cisbitaal madiina kuwaasoo ay qaarkood xaaladoodu aad u liidato,iyadoo ay booqasho ugu tageen wasiiro ka tirsan xukuumada soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha c/kariim xusen guuleed iyo wasiiro kale taliyaha ciidanka booliska sharif shiiqunaa maye ayaa ku booqdey bukaan xanuun iyo dhaawac ka soo gaarey qaraxi lala beegsadey taliyaha nabadsugida qaranka khalif axmed ereg kaasoo uu dhaawac fududi kasoo gaarey.

Bukaanada ay dhibaato kasoo gaarto qaraxyada ayaa u baahan gacanta dawlada hadey tahey debedda iyo gudaha xaga caafimaadka,waxeyna booqashadaani kusoo beegmeysaa iyadoo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka uu mar kale ku celiyey in uu bixinayo lacag dhan 5000 dolar qofki soo sheega dhibaato la xiriirta xaga qaraxyada iyo hagardaameynta shacabka.