Madaxda dalka soomaaliya ugu sareysa sida madaxweynaha xasan sheekh maxamuud,afhayeenka barlamaanka maxamed shekh cusmaan jawaari iyo r/wasaaraha dalka cabdi faarax shirdoon ayaa maanta si wadajir ah u cambaareeyey fal qarax ismiidaamin ah oo lala beegsadey taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka gobolka banaadir khaliif axmed ereg.
Qaraxan oo ka dhacey iridda hore ee ex-fiyoore oo xarun u ah fanaaniinti waaberi ee qaranka soomaaliya,wuxuuna sababey in madaxdani ay si isku mid ah cambaareyn u soo jeediyaan,iyadoo hore loo arki jirey in ay si kala gooni gooni ah,waxeyna sheegeen in ay la dagaalami doonaan kooxaha ka danbeeya dhagarahan waa sida ay hadalka u dhaheene.
Qaraxan ayaa ka dhacey meel aad ugu dhaw madaxtooyada looga arimiyo dalka soomaaliya,waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo beryahan la hadalhayo hub la sheegey in madaxtooyada laga rartey dad badana ay u xiranyihiin tuhunka hubka madaxtooyada laga rartey.




