Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ayaa si kulul u cambaareeyey weerarada uu Maraykanka u adeegsado diyaaradaha Drones ee ka dhaca gudaha dalka Pakistaan.
Ben Emmerson oo ah madaxa guddiga baarayaasha ah ee hoostaga hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa warbixin [horudhac] ah uu kasoo saaray xaruntooda Geneva ku sheegay in Maraykanka uu ku xadgudbay madax banaanida dalka Pakistaan, isla markaana uu burbu u geystay dhismaha Qabaa’ilka ku dhaqan dalka Pakistaan.
Wafdiga uu hogaaminayo Ben Emmerson ayaa shalay dib uga soo noqday safar sadex maalmood qaatay oo ay ku tageen waqooyiga dalka Pakistaan oo ah goobaha ugu badan oo ay ka dhaceen duqeymihii Maraykanka u adeegsaday diyaaradaha Drones-ka. Wuxuuna wafdigan sheegay in khasaaraha dadka rayidka ah soo gaara ay ka badan yihiin tiradii ay horey u sheegtay dowlada Maraykanka.
Warbixintan ayaa qeyb ka ah xog aruurin uu guddiga Xaquuqul Insaanka kusoo sameeyey deegaanada ay dhacaan weerarada Maraykanka u adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones loo yaqaan, kuwaasi oo sanadihii lasoo dhaafay kumanaan qof ku dilay Waqooyiga dalkaasi Pakistaan, gaar ahaan gobalka Waziristaan ee ku yaal xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan.
Somaliya
Guddigan uu hogaaminayo Ben emmerson ayaa sidoo kale baaritan ku sameenaya weerarada Maraykanka ee diyaaradahan [Drones] u adeegsaday ee ka dhacay dalalka Somaliya, Yemen iyo Pakistaan. Weeraradaasi oo la sheegay in sanadkan kaliya ka badnaayeen 25 weerar.
Warbixinta dhameystiran ayaa lagu wadaa in Guddigan u gudbiyo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay bisha Oktoober ee sanadkan, waxaana la filayaa in xogtaasi ay kamid noqon doonto khasaaraha iyo saameynta weeraradii ka dhacay sidoo kale gudaha dalka Soomaaliya.
Dowlada Maraykanka ayaa si kooban uga jawaabtay shirka jaraa’iid oo ay qabteen guddiga Xaquuqul Insaanka.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka Victoria Nuland, ayaa sheegtay in xiligan aysan ka hadli doonin xog sir u ah dowlada Maraykanka, waxayna intaasi raacisay in hada wadahadalo u socdaan Maraykanka iyo Pakistaan.




