Shir la sheegey in uu beri ka furmayo beydhabo,iyo maamulgoboleed la doonayo in halkaa laga dhiso.

0
500

Waxaa sida la sheegey la filayaa in uu beri ka furmo shir lagu doonayo in maamulgoboleed lagu dhiso,sida la sheegayo gobolada maamulka dhisanaya ay ka kooban ilaa lix gobol,waxaana uu ka duwanyahey kii kal hore kismaayo ka furmey.

Shirkan ayaa sida lagu soo waramayo waxaa hada goobjoog ah ilaa 26 xildhibaan oo uu horkacayo gudoomihii hore ee barlamaanka sheekh aadan maxamed nuur(aadan madoobe),waxaana odayaal iyo wax garad warbaahinta la hadley ay sheegeen in shirar badan oo wada tashi ah ay ka horeeyeen shirkan leyskuna raacey in ay wada dhistaan maamulgoboleed lagu magacaabo koonfurgalbeed soomaaliya,kaas oo kulminaya ilaa iyo lix gobol oo caasimadoodu tahey beydhabo.

Maamulgoboleedyada lagu dhawaaqayo iyo hamiga siyaasiyiinta ayaa soo badanaya hase yeeshee lama saadaalin karo in shirkani najaxo iyo in uu fashilmo sida kan kismaayo ka socda.