Xudur oo Gacanta u gashay Al Shabab kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Ethiopia iyo Somalia.

0
633


Wararka laga helayo magalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, sanad kadib markii ay ka qabsadeen Xoogaga Al-Shabaab oo muddo saddex sano ka talinayay.

Ciidadama Ethiopia ayaa isaga baxay Degmada Xudur xalay kadib markii mudo sanado badan ay gacanta ugu jirtay waxaana gacanta ay u gashay Dagaalyahanada Al Shabab kuwaas oo Maanta Barqadii gudaha u soo galay Magaalada.

Xiriiro dadka deegaanka la sameynay ayaa naloo xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya oo wehlinayay ciidamo Soomaali ay isaga baxeen Xudur.

Isgaarsiinta degmada ayaa ah mid caadi ah, waxaana lagu soo waramayaa in magaalada barakac uu ka jiro, maadaama dadka deegaanka ka cabsi qabaan in dhibaato ka dhacdo degmada.

Si kastaba Lama oga sababaha keenay in Ciidamada Itoobiya isaga baxaan degmada Xudur, hase ahaatee hadal todobaadkii hore uu sii daayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa in Ciidamadiisa si tartiib tartiib ugala bixi doono qeybo ka mid ah gobolada dalka.