wararka aaan ka heleyno wadada Maka Al Mukaramada ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo gacan ka helaya Booliska dowlada Somalia ayaa maanta duhurnimadii ku guuleystay iney qarxiyaan miino lagu dhex aasay guri burbursan oo ku dhinac yaala wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Hotelka Weheliye iyo barxada Sayidka.
Sida ay sheegeen dad ku sugnaa goobta Ciidamada AMISOM inta aysan qarxinin ka hor miinadaas ay xireen socodka dadka iyo gaadiidka isticmaalayey nawaaxiga Hotelka Weheliye, iyagoo sidoo kale amar ku bixiyey in la xiro goobaha ganacsiga ee ku dhowaa goobta ay ku jirtay miinadaas.
“Wadada waxay ka joojiyeen socodka dadka iyo gaadiidka goobaha ganacsigana waa la xiray, dadweynahana waxaa lagu amray iney goobtaas ka fogaadaan, wax yar ka dibna ciidamada AMISOM waxay qarxiyeen miinada” sidaas waxaa yiri goob jooge ka mid ahaa dadka degaanka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in miinadaas ay aheyd mid aad u awood badan oo loogu talo galay iney wax ka disho wadada Maka Al-Mukarama, iyagoo xusay in dadka degaanka ay ku soo wargeliyeen booliska in meeshaas lagu aasay miino.
Socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al-Mukarama oo xayirnaa muddo nus saac ah ayaa caadi ku soo laabtay iyadoo goobaha ganacsigana dib loo furay ka dib markii ay goobta ka tageen ciidamada AMISOM ee ku howlanaa qarxinta miinadaas oo aan geysan wax khasaare ah.
Wadada Maka Al-Mukarama oo ah mida ugu mashquulka badan xiligan magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah u isticmaala gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyo kuwa shacabka intaba, waxaana horey ugu dhacay qaraxyo kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac sababay, inkastoo mudooyinkan ay si weyn u yaraadeen.




