
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay siyaabo kala duwan ugu toogtay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah kuwaasoo labo ka mid ah meydadkooda saaka lagu arkay goobihii lagu toogtay.
Goobaha ay dilalka ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah Isgoyska Baar Ayaan oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dilay nin ganacsade ah ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday, goobtana ka baxsaday markii dambe.
Degmada Yaaqshiid ayaa sidoo kale dil uu ka dhacay kadib Markii Xaafada Siliga saaka lagu arkay meydka wiil dhalinyaro ah oo halkaasi lagu dilay, kaasoo la garan waayey, waxaana jirkiisa ka muuqda rasaas, isagoo garbaduubna loo soo xiray.
Xaafadda Carafaad ee Isla degmada Yaaqshiid ayaa la sheegaya in gaari kuwa raaxada ah lagala dagay qof dhalinyaro ah laguna toogtay xaafadda Carafaat ee degmadaas, iyadoo dhinaca kale meydkaa qof kale oo la garan waayey jirkiisana ay rasaas ka muuqatay lagu arkay degmada dayniile ee gobolka Banaadir.
Lama oga sababaha loo dilay ragaaas iyo cida dishay iyadoo ay dhici karto in dilalkaas ay geysteen qeybo Hubaysan oo Muqdisho isla joogo.




