Qaar Kamid ah Mudanayaasha Barlamanka oo Soo dhaweeyay in Dowladda Somalia ay keento Lacago cusub.

0
624


Xildhibinaano ka tirsan Dowladda SOmalia ayaa soo dhaweeyay Fikirka ah in dowladda SOmalia ay samayso lacag cusub oo shilin Somali ah si

mid kamid ah Xildhibaanadaas oo lagu magacaabo Maxamed Amiin ayaa sheegay in ay tahay mid loo baahan yahay in dowladda somalia ay soo daabacdo lacago shilin Somali cusub ah kuwaas oo uu ku sheegay in ay wax ka qaban doonto dhibaatada dhanka Dhaqaalaha ee dalka ka jiro.

Qiimaha sarifka lacagta Dollarka ayaa hoos u dhac balaaran uu ku yimid iyadoo aad uu hoos ugu dhacay qiimaha Dollarka iyadoo shilin Somaliga uu u muuqdo mid sare u kacay.

Halkii dollar ayaa suuqyada magaalada Muqdisho lagu kala sariftaa lacago u dhaxayso 16 kun ilaa 18 kun oo suuqyada xitaa ay kala duwan yihiin hanaanka sarifka oo qilaaf uu ka jiro isagoo aaan wali sal adag ku fadhin.

Maalintii shalay ayay ahayd markii wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda uu ku eedeyay Ganacsatada inay sabab u yihiin in uu hoos u dhac ku yimaado lacagta dollarka isla markasna sheegay inay xaraysteen lacagta Shilinka somaliga oo ay baqaaro ka buuxiyeen.