Iyadoo lagu dhawaaqey natiijada doorashadi dalka kenya ka dhacdey ayaa waxa ay ku dhawaaqeen gudiga doorashooyinka iyagoo sheegey in uhuru kenyata uu ku guuleystey doorashadii kenya ka dhacdey.
Markii natiijada lagu dhawaaqey ayuu reyla udinga oo xilligan xilka uu hayo xoog ku heley isla markaana ka eedeysan maxkamada aduunka shir jaraa’id oo uu qabtey ku sheegey in aanu isbaheysiga uu hugaamiyo aaney aqbaleyn go’aanka ay sheegeen gudiga doorashooyika dalka kenya isagoo sheegey in lagu shubtey codadka,meelaha qaarna la badiyey dadka ka codeeyey.
Doorashadan ayaa hadii lagu murmo waxey noqoneysaa tii labaad waxaana goob joog ahaa kormeerayaal caalamka ka kala socda,waxaana hada damaashaadaya taageerayaasha uhuro kenyata oo farxad la liita,isuna diyaarinaya in ay xukuumad soo dhisaan.




