Waxaa maanta tababar xagga amniga ah loo furey ganacsatada leh hottelada iyo baararka,kuwaasoo ay tababarka usoo diyaarisey wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,waxaana goobjoog ka ahaa saraakiisha hugaamisa ciidanka nabadsugida gobolka banaadir gen.khaliif axmed ereg iyo kuwo kale.
Ganacsatadan oo tababarka ka sokow aan la ogeyn waxa laga rabo ayaa meelihii ay ku ganacsanayeen dadku baqdin awgeed ka kala carareen ayaa waxaa la siin doonaa casharro ka caawinaya xaga amaanka ama nabadgelyada,waxeyna u madaxbanaandoonaan in qofki ay ka shakiyaan ay si fudud ugu wargelin karaan saldhigyada booliska ee ku dhaw goobaha ay ku shaqeystaan.
Waa markii ugu horeysey ee tababarkan loo furo ganacsato ku shaqeysta hottelada iyo baararka laga cunteeyo,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaanahan weeraro qorsheysan lagu qaadayey baararka laga cunteeyo iyo hottellada magaalada ugu waaweyn,waxaana loo qaadan karaa in qorshaha weerar ee ganacsatada ay kaba danbeeyaan kuwa ay isleeyihiin waxey sugayaan amnigiina iyo hantidiinaba.




