R/wasaare saacid oo la hadley barlamaanka puntland amaana u soo jeediyey maamulka iyo shacabka puntland.

0
475

R/wasaaraha soomaaliya cabdi faarax shirdoon ayaa maanta la hadley barlamaanka iyo shacabka puntland,isagoo amaaney sida ay amniga iyo horumarka dawladgoboleedkoodu ku talaabsatey.

R/wasaare saacid ayaa sidoo kale cagta soo mariyey meelo puntland ka mid ah oo hab maamuus ahaan loo geeyey,waxaadna moodaa in faroole dabcey markuu arkey cadaadiska dublamaasiyadeed ee ay heysato dawlada uu hugaamiyo.

Waa markii ugu horeysey ee uu r/wasaare saacid tago puntland,waxaanad moodaa in si dadban wax loogu sheegayo raaskampoodiyiinta kismaayo ku fadhiya dawladdana u diidey in ay gudaha magaalada u gasho maamul ay u dhisto waa halkiisee.