R/wasaaraha dawlada federalka soomaaliya cabdi faarax shirdoon ayaa ka warbixiyey booqasho uu dhawaan ku tagey gobolka g/guduud xaruntiisa dh/mareeb iyo degmooyin hoostaga.
R/wasaaraha ayaa sheegey in uu soo arkey dad dawlada xiiso u qaba iyadoo uu r/wasaaruhu tilmaamey in aad iyo aad si diiran loogu soo dhaweeyey,in kastoo buu yiri waxaan ku beeganey waqti kulul oo aan wax roobabihi jirin,hadana uu uga mahad celinayo maamulka ahlusuna iyo shacbiga gobolka g/guduud.
Booqashada wafdigan uu hugaaminayey dr saacid ayaa waxey imaneysaa iyadoo qaramada midoobey ka qaadey dawladiisa cunaqabateynti hubka ee soomaaliya saarneyd in ka badan labaatan sano.
Waxaana wasaarada arrimaha guduhu iyadoo ka faa’iideysaneysa booqashadan ay magacawdey maamulka gobolka iyo qaar degmooyinkiisa kamid ah si kumeel gaar ah.




