Waxaa maanta hirgaley fadhiga barlamaan oo ku furmey 142 xildhibaan iyadoo barlamaanka koramka laga rabo 139 xubnood.
Waxaana xildhibaanada maanta gudoominayey gud.kuxigeenka 2’aad waxeyna isku raaceen in la adkeeyo ciqaabta uu marayo xildhibaanka soo xaadiriwaaya fadhiga barlamaanka,taas oo noqoneysa in gunada ay qaataan xubnaha barlamaanka in laga jaro sadexmeelood hal meel,mana aha qodob ku qoran xeer hoosaadka barlamaanka soomaaliya.
Barlamaanka oo ka baaqdey labo fadhi oo isku xiga ayaa keentey in dib loo eego sida looga hortagi karo in aysan dhicin midan oo kale,waxeyna kusoo beegmeysaa tani iyadoo ay wali fasaxi kasoo laaban xildhibaanada barlamaanka,waana nasiib daro in xildhibaanki u dhaartey qaranka in ay imanwaayaan fadhiga barlamaanka




