Maamulka ahlu sunno ee gobolada dhexe ayaa shaaciyey in ay hubkooda iyo ciidankaba ay ku wareejiyeen dowladda dhexe.
Madax ka tirsan maamulka ahlu sunno ee gobolada dhexe ayaa talaabadan ay qaadeen lagu macneeyay mid u muuqata inay noqdaan xisbi siyaasadeed.
Todobaadkan ayaa ra’iisul wasaaraha dalka somalia Dr.Saacid uu booqday deeganada ay ka taliyaan maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe islamarkasna kulamo uu la yeeshey.
Talaabadaan ayaa la ogayn sida ay u dhaqan gali doonto,maadaama dawladda federalka awoodeedu koobantahey kuna urursantahey muqdisho,hase yeeshee waxey arrintani kusoo beegmeysaa iyadoo dawlada federalka laga qaadey cuna qabateynta hubka.




