Puntland oo codsatey in aan soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta hubka waa maxey sababtu?

0
502

Shir ay isugu yimaadeen wax garad aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kaas oo ka dhacey xarunta dawlad goboleedka puntland ayaa lagaga soo horjeestey qaadista cuna qabateynta hubka ee soomaaliya saarneyd in muddo ah.

Cuna qabateynta hubka soomaaliya saaran ayaa waxaa hore u codsadey in laga qaado dawlada federalka soomaaliya taas oo Q.M ay maalinka arbacada ka doodi doonaan,hase yeeshee lama oga waxa ay natiijadu ku dhamaan doonto dooda kadib.

Dawlada puntland ayaa muujineysa shaki badan iyadoo ka baqeysa in hubka oo loo fasaxo dawlada federalka ay culeys ku noqon karto dawlada puntland sidaas darteedna ay ku kaliftey maamulka puntland in uu qeybaha bulshada adeegsado si ay u muujiyaan welwelka faroole qabo,waxaana beryahan isasoo taraya loolan iyo ismuujin ka imaneysa maamul goboleedyada dalkeena soomaaliya ka jira.