Keith ellison oo ah xubin ka tirsan cogresska mareykanka ahna nin muslim ah oo muqdisho booqasho ku yimid.

0
497

Waxaa maanta muqdisho booqasho ku yimid keith ellison oo ah nin ka tirsan congresska mareykanka ahna nin heysta diinta islamka ayaa muqdisho booqasho ku yimid.

Ninkan ayaa laga soo doortey gobolka mennisota ee dalka mareykanka waana meesha ay degenyihiin soomaalida ugu badan ee mareykanka jooga,keith ellison ayaa la kulmey madaxweynaha soomaaliya isagoo salaan diiran oo uu ka wadey dalkiisa soo gaarsiiyey madaxweyne xasan shekh maxamuud,isla markaana sheegey in uu ku faraxsanyahey imaatinka soomaaliya,dhanka kale madaxweynaha ayaa isna sheegey in ay soomaalida u tahey maalin taariikhi ah qiimo weyna ugu fadhindoonta soomaaliya.

Waa marki ugu horeysey ee uu nin ka tirsan congresska mareykanka uu muqdisho yimaad,waana xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga,kaas oo ah ninka kaliya ee muslimka ka ah congresska mareykanka,isagoo sheegey in dawlada mareykanku garab istaageyso dawlada soomaaliya si meesha looga bixiyo buu yiri argagixisada burcadbadeeda iyo dagaalada sokeeyaba,keith ellison ayaa kulanka m/weynaha uu la yeeshey kadib wuxuu u duuley dalka aynu deriska nahey ee kenya.