Taliyaha hugaanka socdaalka soomaaliya gen.cabdullaahi gaafow oo maanta shir jaraa’id ku qabtey muqdisho,isagoo walaac ka muujiyey qurbajoogta yurub ku nool oo socdaalka caqabad ku noqdey,taas oo keeni karta xiritaanka halka diyaarad oo toos dalka u timaadda,diyaaradaas oo lagu magacaabo turkish airline.
Taliyaha ayaa sheegey in qurbajoogta soomaalida ahi ay hadda la yimaadeen xirfad kale oo ah in bassabor yuruba la soo qaado kadibna la raadiyo qof shabaha ama u eg qofki hore bassaborka u qaatey dabadeena lagu dhoofiyo si yurub uu u galo,arintaasi diyaarada ayey dhibaato ku tahey iyo dalkeenaba sababtoo ah diyaarada ganaax iyo qofki oo ay soo celiso hadii uu ku bato waxba kama faa’iideyso imaatinka somaaliya weyna joojin kartaa duulimaadka soomaaliya waana halka dunida maanta nagu xira oo aan kaligi heysano,dhanka kale dawladaha aduunka ayaaba qaadan kara hadii waxaani sii socdaan diyaaradaha soomaaliya ka imanayaa uma ogolin dalkeena,iyagoo sabab ka dhiganaya socdaalka sharci darada ah ee soomaalidu ku dhaqmeyso.
Gen.gaafoow ayaa sheegey in ay hada hayaan bassaborro badan oo leysku dayey in nuucaas loo isticmaaley,waanan ka digeynaa waxaas sumcad xumada noo wada keenaya,ayuu yiri gen.gaafow oo maanta warbaahinta la hadley.




