Wasiirkii Gaashaandhiga Axmed Fiqi oo Xilkii Laga Qaaday iyadoo Loo Magacaabay Wasiir Saadaq Cumar Maxamed ‘SAADAQ JOON’

0
7

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa magacaabay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, isaga oo sidoo kale isku shaandhayn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada xukuumaddiisa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Saadaq Cumar Maxamed Xasan (Saadaq Joon) loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga, kaddib markii xilkaas uu banneeyay Axmed Macallin Fiqi oo hore u ahaa wasiirka wasaaradda.

Magacaabista Saadaq Joon oo horey u soo noqday taliyihii hore ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, haatanna ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa magacaabistiisa waxay kusoo beegmaysaa maalin kaddib markii la soo saaray liiska golaha wasiirrada cusub ee maamulka Galmudug.

Magacaabistan ayaa la sheegayaa in ay qayb ka tahay fulinta heshiis siyaasadeed oo saami qeybsi ah oo laga gaaray doorashadii hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, kaas oo dhexmaray madaxweynihii hore ee maamulka, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xilalka isugu beddelay laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada. Cali Ifiya Cali ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tiknoolajiyadda iyo Gaadiidka Badda, halka Maryan Cali Abuukar loo magacaabay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta cusub faray inay si degdeg ah ula wareegaan xilalka loo magacaabay, isaga oo kula dardaarmay inay waajibaadkooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo leh.