Weerar ay kooxda Daacish xalay saqdii dhexe ku qaaday xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis ee deegaanka Sheebaab ee gobolka Bari, ayaa sababay dhimashada afar qof, oo ay ku jiraan laba shaqaale oo shirkadda ka tirsanaa iyo laba askari.
Xarunta la weeraray ayaa gebi ahaanba dab qabsaday, iyadoo xilliga weerarku dhacayay ay ku socotay howlo dib-u-habayn ah. Faahfaahinta weerarka ayaa muujinaysa in khasaaruhu uu saameeyay shaqaalaha shirkadda iyo ciidamada goobta ku sugnaa.
Dhanka kale, duleedka galbeed ee deegaanka Galgala ee Boosaaso, Alshabab ayaa qarax miino la beegsaday ciidamada ammaanka Puntland, kaas oo sababay khasaare aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu gaarsiisan yahay.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas, qaraxa waxaa ka horreeyay iska horimaad kooban oo dhexmaray ciidamada iyo Al-Shabaab, inkasta oo aan wax khasaare ah laga soo sheegin dagaalkaas.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii Kooxda Daacish ay fulisay weerar qarax ah oo lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee ka howlgasha Puntland.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxa, oo ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda Golis iyo laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland.
Sidoo kale, hal askari ayaa dhaawac culus soo gaaray. Bishii Luulyo, Daacish ayaa sidoo kale madaafiic ku weerartay degaanka Sheebaab.
Maalmo ka hor, qarax ka dhacay Gaatir-Oodan oo ku taalla togga Jeceel waxaa ku dhintay hal askari iyo dhaawaca kale markii gaari ay la socdeen lagu buriyay qarax.
Bishii Septmeber, Daacish ayaa markii ugu horraysay tan iyo 2025 adeegsatay weerar diyaarad Drones ah oo ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Puntand, inkastoo ay ciidamadu iska caabiyeen weerarkaas.
Weerarkan cusub ee lagu qaaday Sheebaab oo hayd taliskii looga arrimin jiray Daacish ayaa ku soo beegmay, iyadoo Daacish ay horey u jartay isgaarsiinta degaanka oo isku xiri jirtay degaano badan oo ka tirsan Calmiskaad.
Dhinaca Calmdow, tan iyo markii Puntland ku dhawaaqday guluf ka dhan ah Alshabaab, waxaa kordhay khasaaraha ciidamada loo geysanayo iyadoo tiro dhowr jeer ah ciidanka lala eegtay qaraxyo ka dhashay kasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo guulo muhiim ah ka gaartay dagaalka Daacish sanadkii 2025, ayaa hadda u muuqata mid luminaysa guulaha laga gaaray howlgalkaas iyadoo Daacish haatan isku fidinayso dhul horey looga saaray oo ay ku geeriyoodeen boqolaal askari iyo saraakiil.













