Hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe oo Ka Digay Burbur iyo Kala Tag Soomaaliya ku Socoto.

0
9

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu dib ugu laabto wadahadalka iyo heshiiska siyaasadeed, isaga oo ka digay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay horseedi karto burbur iyo kala qaybsanaan.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu wajahayo marxalad adag, isla markaana aan la sii wadi karin xaaladda uu ku tilmaamay mid aan wadatashi iyo kalsooni ku dhisnayn.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh looga baahan yahay inuu dib u xusuusto wadahadaladii soo jireenka ahaa iyo heshiisyada siyaasadeed ee saldhigga u ahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in danta guud ee dalka laga hormariyo danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la isugu yimaado miiska wadahadalka, lagana heshiiyo jihada siyaasadeed ee dalka, si looga hortago in khilaafaadka jira ay sii xumeeyaan xaaladda Soomaaliya.

“Enough is enough. Xaaladda maanta nagu jirta xaalad intaa ka badan la sii fiirsan karo ma aha. Waddankan god ayuu ku sii dhacayaa, waxaana loo baahan yahay in talo la isugu yimaado,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya, isaga oo ka digay in sii xumaanshaha siyaasadda gudaha uu saamayn ku yeelan karo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqaynayso badbaadinta dalka iyo ilaalinta midnimadiisa, isaga oo xusay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed.

Dhanka kale, wuxuu dhaliilay tallaabooyinka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, isaga oo sheegay in habka hadda wax loo wado aanu ahayn mid Soomaalida isu keenaya, isla markaana loo baahan yahay in go’aannada masiiriga ah lagu saleeyo heshiis iyo wadajir.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay dib ugu laabtaan wadahadalka, si loo helo heshiis ay dhinacyadu ku wada qancaan, loona qeexo arrimaha lagu heshiinayo iyo jihada ay dowladnimada Soomaaliya u soconayso.