Dowladda Aljeeriya ayaa Soomaaliya u ballanqaadday inay la wadaagayso khibraddeeda dhinacyada sahaminta shidaalka, soo saarista iyo sifayntiisa, kaddib markii wafdi ka socday shirkadda shidaalka ee dowladda Aljeeriya ee Sonatrach uu booqday xarunta kaydka shidaalka qaranka ee dekedda Muqdisho.
Wafdiga Aljeeriya ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo wakiillo ganacsato ah, kuwaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta, sida ay ku warrantay warbaahinta Somalia Now.
Aljeeriya ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso tababarka injineerrada shidaalka iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Soomaaliyeed, si dalka uu u yeesho awood farsamo oo uu ku maareeyo khayraadkiisa dabiiciga ah.
Ballanqaadka Aljeeriya ayaa xilligan ku kooban wadaagista khibradda iyo tababarrada farsamo, mana jirto heshiis la shaaciyay oo dhigaya in shirkadda Sonatrach ay Soomaaliya ka bilaabayso qodista shidaalka ama ay maalgashi toos ah ku samaynayso waaxda shidaalka.
Iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta ayaa horey u soo xoogaystay. Bishii Nofeembar 2025, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa magaalada Algiers ku kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ay ku jiraan iskaashiga shidaalka iyo gaaska, dhoofinta xoolaha iyo waxbarashada.
Sidoo kale, Aljeeriya ayaa Soomaaliya u ballanqaadday 500 oo deeq waxbarasho, kuwaas oo ay ku jiraan takhasusyo la xiriira injineernimada shidaalka.
Bishii Janaayo ee sanadkan, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Aljeeriya, Maxamed Arkab, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka taageero horumarinta waaxda shidaalka, isaga oo xusay khibradda shirkadda Sonatrach iyo Machadka Batroolka Aljeeriya.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa xiriir dhinaca shidaalka ah la leh Turkiga, kaas oo hadda door muuqda ku leh dadaallada sahminta shidaalka badda Soomaaliya. Shirkadda shidaalka ee dowladda Turkiga ee TPAO ayaa bishii Abriil bilowday hawlaha qodista ceelka Curad-1, oo ah ceelkii ugu horreeyay ee shidaal oo laga qodo badda Soomaaliya, kuna yaalla qiyaastii 372 KM waqooyi-bari magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii Oktoobar sheegay in qodistu gaartay lakabyada dhulka ee laga baadho calaamadaha suuragalka ah ee shidaalka, hase yeeshee weli lama shaacin natiijo rasmi ah oo ku saabsan sahminta.
Shirkadda Sonatrach ayaa ah shirkadda ugu weyn ee shidaalka iyo gaaska ee Aljeeriya iyo guud ahaan Afrika, waxayna dalkaasi ka mid yahay ilaha ugu muhiimsan ee gaaska dabiiciga ah ee Midowga Yurub.













