Dowladda Soomaaliya ayaa si adag ugu jawaabtay la-taliyaha Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, oo falcelin ka sameeyay eedeymihii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsanaa faragelinta Imaaraadka ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka ay ku eedeeyeen Abu Dhabi inay wiiqayso midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Cali Balcad), ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in danaha qaranka Soomaaliya aan lagu xaqiijin karin kala-qaybinta dalka iyo heshiisyo lala galo maamullada heer deegaan, iyadoo laga tallaabsanayo awoodda dowladda federaalka.
Cali Balcad ayaa si gaar ah u xusay heshiisyada dekedaha istaraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, iyo heshiisyada amniga iyo taageerada siyaasadeed ee uu sheegay inay hareer marayaan dowladda federaalka, kuwaas oo uu ku tilmaamay tallaabooyin dhaawacaya midnimada qaranka, isla markaana dhiirrigelinaya samaysanka maamulo isbarbar socda.
Hadalkan ayaa jawaab u ahaa qoraal uu Anwar Gargash horay u baahiyay, kaas oo uu ku dhaliilay mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo su’aal geliyay in madaxweynuhu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danaha qaranka.
Gargash ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku garab istaagay Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ay isu beddelaan muranno heer gobol ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay dhaqaalihiisa u adeegsanayso hurinta dagaallada, iyo wiiqidda madax-bannaanida dalalka.
Fiqi ayaa sheegay in lacagta Imaaraadku aysan iibsan karin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan burburin karin midnimadooda. Waxa uu dowladda Imaaraadka ugu baaqay inaysan barwaaqadeeda ku dhisin dhibaatada iyo burburka dalalka kale.
“Taariikhda shacabka Soomaaliyeed si wanaagsan u akhri; lacagtiinnu ma iibsan karto rabitaankeenna, mana burburin karto midnimadeenna,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.
Sidoo kale, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inay dhaqaalihiisa u adeegsanayso kala-qaybinta Soomaaliya, daciifinta hay’adaha dowladda iyo fududeynta faragelinta shisheeye, isaga oo si gaar ah u xusay Israa’iil.
Ayuub Ismaaciil ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ahayn dal lagu kala iibsan karo saameyn dhaqaale, isla markaana aan lacag lagu burburin karin midnimada shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu intaas ku daray in dhaqaalaha loo adeegsanayo kala-qaybinta dalka uu ugu dambayn ka hor imaan doono danaha cidda ku bixineysa.
Shalay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalku ay walaac xooggan ka qabto faragelinta joogtada ah ee Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay inay dhaawacayso madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.
Jawaabahan is-daba-joogga ah ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u dhaliilay doorka Imaaraadka ee arrimaha gudaha Soomaaliya.













