Dawladda Imaaraadka Carabta oo Ka Jawaabtay eedeymihii uu Madaxweyne Xasan Sheekh u Jeediyey.

0
6

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabtay hadallo ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo Dowladda Imaaraat-ka ku eedeeyay faragelin joogto ah oo ka dhan ah arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, oo qoraal ku baahiyay bartiisa X, ayaa sheegay in hadallada Madaxweynaha Soomaaliya ay ka tarjumayaan isbeddelka ku yimid mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, isaga oo su’aal geliyay in Xasan Sheekh uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danaha qaranka Soomaaliya.

Gargash ayaa sheegay in Imaaraadku garab istaagay Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, isaga oo ka xumaaday in loollanka siyaasadeed ee gudaha dalka uu Soomaaliya ku jiidayo khilaafaad heer gobol ah, kuwaas oo uu sheegay inaysan u adeegayn danaha shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan amniga iyo xasilloonida.

Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya aysan isu beddelin muranno goboleed oo wax u dhimaya danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.

“Xiriirka aan la leenahay shacabka Soomaaliyeed wuxuu ahaan doonaa mid ka qoto dheer khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah, xisaabaadka shakhsiga ah iyo hamiga siyaasadeed,” ayuu yiri Anwar Gargash.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag u dhaliilay doorka Imaaraadka ee Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga cabatay faragelinta ay sheegtay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay in tallaabooyinkaasi ay wiiqayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walaac xooggan ka qabto faragelinta joogtada ah ee Imaaraadka, taas oo ay sheegtay in ay ka hor imanayso madax-bannaanida dalka.