Fikirka Xag jirka Xun oo Soomaaliya iyo Sucuudigu iska Kaashan Doonaan Kuna Heshiiyeen Labada Dal.

0
6

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada, Sarreeye Guud Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri, kaas oo maalmahan ku sugnaa caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, gaar ahaan ka hortagga fikradaha ay faafiyaan kooxaha hubeysan iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wafdiga la wadaagay qorshayaasha iyo tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay kula dagaallanto fikirka xagjirka ah, isaga oo sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay si isa soo taraysa uga warheyso khatarta ka dhalan karta fikradaha ay faafiyaan kooxaha uu ugu yeeray Khawaarijta.

Dhankooda, wafdiga Sacuudiga ayaa sheegay inay Soomaaliya ku taageeri doonaan khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin ka hortagga xagjirnimada iyo la tacaalidda fikradaha xagjirka ah. Taageerada la qorsheeyay ayaa la sheegay inay ka koobnaan doonto diyaarinta farriimaha wacyigelinta, tababarka shaqaalaha iyo kaalmooyin kale oo farsamo.

Sidoo kale, Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Sacuudiga ayaa iskaashi la yeelan doonta Xarunta Qaran ee Tubsan ee hoos timaadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taas oo qaabilsan dadaallada dowladda ee ka hortagga fikradaha xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambayn uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee bulshada.