Diyaaradaha Dagaalka Dalka Turkiga ee F-16 oo Muqdisho Ka Duulay kuna Laabtay Ankara.

0
58

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka nooca F-16 ee ka howlgala Soomaaliya ay fuliyeen howlgal ay diyaaradaha ku kala beddelayeen Muqdisho iyo magaalada Bandırma ee dalka Turkiga, iyagoo safarka ku maray masaafo ka badan 11 kun oo kiiloomitir, muddo 55 saacadood ah.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay fiidnimadii 17-kii November 2026, ayay ku sheegtay in howlgalka ay fuliyeen duuliyeyaasha qeybta cirka ee Ciidanka Howlgalka Turkiga ee Soomaaliya, kuwaas oo kaashanayay guutada 161-aad ee ciidamada cirka Turkiga.

Sida lagu sheegay bayaanka, diyaaradaha ayaa laba duullimaad ku maray masaafo dhan 5,960 mayl-badeed, una dhiganta 11,038 kiiloomitir, iyadoo howlgalka oo dhan uu qaatay 55 saacadood.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa howlgalka ku tilmaantay mid taariikhi ah oo dhif iyo naadir ah, iyadoo bogaadisay xirfadda duuliyeyaasha iyo awoodda ciidamada cirka Turkiga ee fulinta howlgalada milatari ee masaafada dheer.

Turkiga ayaa muddo sannado ah ku leh Soomaaliya saldhig milatari iyo joogitaan ciidan oo muhiim ah, kaas oo qeyb weyn ka qaata tababarka, qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo hadal-haynta la xiriirta joogitaanka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan doorka diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo howlgalada ay ka fulinayaan gudaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga faahfaahin kama bixin tirada diyaaradaha ka qeyb qaatay howlgalka iyo nooca howlgalada ay ka fulinayeen Soomaaliya, marka laga reebo inay sheegtay in diyaaradaha la kala beddelayay, maadaama ay gaareen xilligii dayactirka.