Cudud Ciidan ay ku Jiraan Haween Hubeysan Macawisley ah oo ay Soo Bandhigeen Beesha Afarta Makane ee Gobolka Hiiraan Wax Ka Dega.

0
4

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa macawisleyda ee beesha Afar Makane oo ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Ciidamadan Macawisleyda ee beesha Makane ayaa waxaa sidoo kale ka dhax muuqda haween kuwaasoo wata qoryaha AK47, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedan maamulka Hirshabeelle islamarkana ay tageersan yihiin dadaalada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.

Guddoomiye ku xigeenka hore ee arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Cabdiwaajid Sheekh Nuuriyow (Camba gooye) oo dhawaan xilkan iska casilay ayaa sheegay inay garab tagaan yihiin Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.

“Hiiraan iyo qadiyadiisa, midnimadiisa iyo wadajirkiisa dadka wada nolosheena, wada dhalasheena ayay wadan, walaalaheenna Hirshabeelle diiday, kor allaha ka dhigo, wixii reer Hiiraan dila ayaa na dila, wuxuu ugaaska ku baaqay ayaa diyaar u nahay,”ayuu yiri Camba gooye.

Cismaan Aadan Careys oo ka mid ah siyaasiinta beesha Makane ayaa sheegay inaysan jirin cid ku matasha Hirshabeelle islamarkana maanta wixii ma dambeeya iyaga ay masuul ka yihiin mustaqbalka beeshooda.

“Beesha Makane diyaar uma ahan inay matalan dad dulsaar ah oo dad jeebka ugu jiran kuwa anaga matalaya waa inay Makane doortan, wax Hirshabeelle nagu matala malahan.”ayuu yiri Careys.

Dhinaca kale warmurtiyeedka ka soo baxay beesha Makane ayaa lagu yiri” Beesha Makane waxay caddeynaysaa In aysan raalli ka ahayn awood-qaybsiga hadda ka jira Hirshabeelle,In aysan ku qanacsanayn maqnaanshaha jagooyinka kale ee siyaasadeed iyo kuwa maamul,In ay xaq u leedahay inay si madax-bannaan uga tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed,In ay dib u qiimeynayso xiriirkeeda siyaasadeed ee Hirshabeelle, isla markaana ay taageero siyaasadeed siin karto dhinac kasta oo ay u aragto inuu tixgelinayo tabashadeeda, xaqiijinayana caddaalad, sinaan iyo matalaad dhab ah.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kacdoono ka dhan ah maamulka Hirshabeelle kaasoo ay wadan beelaha dega gobolka kuwaasoo soo bandhigay ciidamo hubeysan oo diidan hanaanka loo doortay hogaanka Hirshabeelle.