Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu Deeqay Lix Million Uro Si Looga Hortago Khatarta El NINO.

0
3

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu qoondeeyay lacag dhan 6 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay xoojinta u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo taageeridda bulshada nugul, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladda cimilada ee El Niño ay saameyn xooggan ku yeelato qaybo ka mid ah Afrika sannadaha 2026 iyo 2027.

Lacagtan ayaa qayb ka ah 13.5 milyan oo Yuuro oo ay Guddiga Midowga Yurub ugu talagaleen gurmadka bani’aadannimo iyo tallaabooyinka ka hortagga saameynta isbeddellada cimilada ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Soomaaliya, dhaqaalaha la qoondeeyay ayaa lagu taageeri doonaa diyaarinta goobaha dadka loo daadgureeyo marka ay dhacaan musiibooyinka, bixinta kaalmo lacageed oo degdeg ah iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee bulshada ay xaaladaha adag saameeyaan.

Kenya ayaa iyaduna heli doonta hal milyan oo Yuuro oo loogu talagalay u-diyaargarowga musiibooyinka, hoyga, taageerada lacageed iyo adeegyada caafimaadka iyo nafaqada. Uganda ayaa sidoo kale loo qoondeeyay lacag la mid ah, halka 5.5 milyan oo Yuuro ee soo hartay lagu taageeri doono dalalka Koonfurta Afrika iyo jasiiradaha Badweynta Hindiya.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli saadaasha cimiladu ay muujinayso suuragalnimada dhacdo El Niño oo xooggan, taas oo keeni karta isbeddel ku yimaada roobabka, abaaro, fatahaado iyo xaalado sii xumeeya cunno-yarida ka jirta qaybo badan oo qaaradda Afrika ah.

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa ka digtay in dhacdadan cimiladu ay gaari karto heer aad u xooggan dhammaadka sannadka 2026, iyadoo saameynteedu sii socon karto ilaa sannadka 2027.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Diyaargarowga iyo Maareynta Xasaradaha, Hadja Lahbib, ayaa sheegtay in tallaabooyinka hore loo qaado ay muhiim u yihiin yareynta khasaaraha bani’aadannimo ee ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee la filayo.

Waxay xustay in marka la sii saadaalin karo khataraha soo socda ay lagama maarmaan tahay in tallaabo laga qaado ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin, si bulshada loogu suurtageliyo ilaalinta hoygooda, nolol-maalmeedkooda iyo kaydka cunnada.

Midowga Yurub ayaa sheegay in taageeradan ay qayb ka tahay qorshe lagu xoojinayo ka-hortagga musiibooyinka iyo u-diyaargarowga bulshada, halkii laga sugi lahaa in xaalad bani’aadannimo oo daran ay marka hore dhacdo.