Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ka digay khataraha siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira, isaga oo ku baaqay in dhinacyada Soomaalidu ay meel iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed, danaha qabaa’ilka iyo loollanka xilalka, si loo badbaadiyo jiritaanka dowladnimada.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinacyo badan leh, kuwaas oo ka jira Puntland, Somaliland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka, isaga oo ka digay in kala qaybsanaanta gudaha ay fursad siin karto dalalka deriska ah iyo quwadaha kale ee caalamka ee danaha ka leh Soomaaliya.
Waxa uu ku baaqay in dhallinyarada oo uu sheegay inay ka yihiin 75 ilaa 80 boqolkiiba bulshada Soomaaliyeed ay hormuud ka noqdaan isbeddel siyaasadeed oo dalka looga saarayo xaaladda uu ku jiro, isaga oo soo dhaweeyay baaq ay culimada Soomaaliyeed soo saareen oo ku saabsan isu imaatin iyo ka wada shaqaynta xalinta dhibaatooyinka dalka.
Xasan Macallin ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku khasbanayn inay ku sii socoto nidaamka siyaasadeed ee hadda jira, balse ay suurtagal tahay in dib loo eego jihada dowladnimada, lana gaaro heshiis cusub oo ku saabsan dastuurka, awood-qaybsiga, khayraadka iyo nidaamka federaalka.
Waxa uu xusay in loo baahan yahay in Soomaalidu ay ka doodaan sidii loo hagaajin lahaa nidaamka federaalka ama looga gudbi lahaa, haddii ay jirto hannaan kale oo heshiis lagu yahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dib-u-habayn siyaasadeed ay suurtagal tahay haddii la helo rabitaan mideysan.
Dhanka kale, wasiirka ayaa si gaar ah u soo qaaday xaaladda ciidamada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in daryeelka, qalabaynta iyo taageerada askarta ay yihiin arrimo u baahan in si dhab ah wax looga qabto.
Waxa uu sheegay in aan laga filan karin askari inuu naftiisa u huro difaaca dalka haddii dowladda aysan xaqiijin badbaadadiisa, daryeelkiisa iyo mustaqbalka qoyskiisa.





