Dacwaddii Dastuuriga aheyd ee u Dhaxaysay Madaxweyne Hore Sh Shariif iyo Hay’adaha Dawlada oo Maxkamada Sare Go’aan ka Soo Saartay.

0
4

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aamisay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha iyo Xukuumadda Federaalka uu ku ekaa sannadkii 2026, iyadoo dhammaan tallaabooyinka ay hay’adahaasi qaadeen wixii ka dambeeyay dhammaadka muddooyinkooda ku tilmaantay kuwo aan sharci iyo dastuur midna waafaqsanayn.

Go’aankan oo ay 5-tii Nofeembar 2026 soo saartay qaybta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, kana kooban shan garsoore, ayaa ka dhashay dacwad uu gudbiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo ka dhan ahayd Dowladda Federaalka, gaar ahaan habraacii wax-ka-beddelka loogu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo saameynta sharci ee ka dhalatay.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dacwaddu ka koobnayd laba qaybood: mid ku saabsan in habraacii loo maray wax-ka-beddelka dastuurka uu waafaqsanaa qodobbada 132-aad, 133-aad iyo 136-aad ee dastuurkii 2012, iyo mid kale oo la xiriirta sharciyadda tallaabooyinka ka dhashay wax-ka-beddelkaas, gaar ahaan kordhinta muddo-xileedyada hay’adaha federaalka.

Maxkamaddu maxay ka tiri wax-ka-beddelka dastuurka?

Qaybta koowaad ee dacwadda, oo ku saabsanayd in wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 uu dastuuri ahaa iyo in kale, Maxkamaddu way diiday. Waxay sabab uga dhigtay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed aanu lahayn sifada sharci ee uu dacwaddaas ku furi karo, iyadoo tixraacday qodobka 86-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Hase yeeshee, Maxkamaddu waxay aqbashay qaybta labaad ee dacwadda, taas oo ku saabsanayd sharciyadda raadadka iyo tallaabooyinka ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan kordhinta muddo-xileedyada hay’adaha la doorto ee heer federaal.

Go’aanka ayaa sidoo kale faahfaahinaya aragtida Maxkamadda ee ku saabsan sida loo fasirayo wax-ka-beddel dastuur oo beddelaya muddada xilhaynta hay’adaha dowladda. Waxay sheegtay in marka muddo cusub lagu soo kordhiyo dastuurka ay tahay in si cad loo qeexo in muddadaasi khusayso hay’adaha xilka haya iyo in kale.

Maxkamaddu waxay tilmaantay in haddii wax-ka-beddelka cusub uu ka aamuso arrintaas, muddada cusub aan si toos ah loogu dabaqi karin hay’adaha xilka haya, balse ay sii ahaanayso muddadii lagu doortay.

Iyadoo taas ka duulaysa, Maxkamaddu waxay go’aamisay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee hay’adaha federaalka uu ahaa afar sano, sida ku cad Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee 2012, isla markaana wax-ka-beddelkii 2026 aanu si cad u sheegin in muddada cusub lagu dabaqayo hay’adihii xilka hayay.

Maxkamaddu waxay go’aamisay in muddo-xileedka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dhammaaday 15-kii Maajo 2026.

Sidoo kale, waxay sheegtay in muddo-xileedka Xukuumadda Federaalka, oo ka dhalatay labada gole ee Baarlamaanka, uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, maadaama Baarlamaanka uu leeyahay awoodda kalsooni-siinta iyo kormeerka Xukuumadda.

Go’aanka ayaa intaas ku daray in hay’adahaasi aanay awood u lahayn inay qaadaan tallaabooyin ku dhisan awoodahooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci wixii ka dambeeyay dhammaadka muddo-xileedyadooda.

Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in dhammaan tallaabooyinkii ay hay’adahaasi qaadeen wixii ka dambeeyay taariikhahaas ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga, isla markaana aan waxba ka jirin.

Qodob kale oo muhiim ah oo ku jira go’aanka ayaa ah in Maxkamaddu sheegtay in Xukuumadda Federaalka ay tahay hay’adda keliya ee leh awoodda xilgaarsiinta, balse awooddaasi ay ku kooban tahay gudashada shaqooyinka maalinlaha ah.

Waxay caddeysay in Xukuumaddu aanay qaadi karin tallaabooyin ka baxsan hawlahaas maalinlaha ah.

Maxkamadda Sare ayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso doorashooyinka fartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku gaaraan heshiis ku saabsan hannaan doorasho oo wadar-ogol ah oo la hirgelin karo.

Waxay sidoo kale go’aamisay in doorashada lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.

Go’aankan ayaa lagu soo saaray magaalada Muqdisho 5-tii Nofeembar 2026, waxaana saxiixay shan garsoore oo uu hoggaaminayay Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.