Hoggaamiyaha Gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Cirro oo Warqadaha ka Gudoomey Safiirka Nidaamka Yuhuuda.

0
5

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, munaasibad ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa.

Danjire Michael Lotem ayaa Madaxweynaha u gudbiyey waraaqaha aqoonsiga ee u oggolaanaya inuu si rasmi ah u guto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, taas oo qayb ka ah hirgelinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Madaxweyne Cirro ayaa soo dhaweeyey danjiraha, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo igmaday, kuna tilmaamay imaatinkiisa tallaabo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Israa’iil, sidaxtooyadu sheegtay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay doonayso inay labada dhinac yeeshaan xidhiidh ku dhisan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, maalgashiga, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Waxa kale oo uu xusay muhiimadda goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo sheegay inay fursad u tahay iskaashi lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Dhankiisa, Danjire Michael Lotem ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta, isaga oo sheegay inay sharaf u tahay inuu Israa’iil ku metelo Somaliland. Waxa uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarinta xidhiidhka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

Is-weydaarsiga waraaqaha aqoonsiga ayaa imanaya kadib markii Israa’iil bishii December 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, halka ay bishii April 2026 u magacawday Michael Lotem danjirihii ugu horreeyey ee ay u soo dirto Somaliland. Somaliland ayaa iyaduna hore u magacowday Maxamed Xaaji inuu noqdo danjirihii ugu horreeyey ee ay u dirto Israa’iil, kaas oo waraaqaha aqoonsiga u ka guddoomay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog bishii May 2026.