Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalku u baahan yahay taageero caalami ah si uu u sugo amniga xeebihiisa oo dhererkoodu gaarayo 3,400 kiiloomitir, isaga oo xusay in baaxadda xeebta iyo awoodda amni ee dalka aysan suuragelinayn in Soomaaliya keligeed ilaaliso.
Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ilaalinta xeebaha Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi iyo taageero caalami ah, maadaama ay tahay hawl ka weyn awoodda uu dal keliya ku fulin karo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer ay la daalaa-dhacaysay dhul ballaaran oo aan lahayn maamul dowladeed oo wax ku ool ah, taasoo qayb ka ahayd caqabadaha amni ee dalka, isla markaana sahashay in kooxaha argagixisada iyo burcad-badeeddu ka hawlgalaan qaybo ka mid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay soo noqoshada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadaalladii caalamiga ahaa ee hore loogu wajahay dhibaatadaas ay inta badan ku ekaayeen xakamaynta weerarrada, balse aysan meesha ka saarin sababihii keenayay.
Wuxuu sheegay in burcad-badeeddu aysan ku noolayn badda dhexdeeda oo keliya, balse ay saldhigyo iyo shabakado ku leeyihiin dhulka, sidaas darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto xaaladaha amni iyo dhaqaale ee ka jira deegaannada xeebaha.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xoojinta ciidamada ilaalada xeebaha, sugidda amniga dhulka xeebaha ah iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada loogu beddelo ka-qaybgalka falalka burcad-badeednimada ay muhiim u yihiin xal waara.
Wuxuu sheegay in saboolnimada iyo fursad la’aantu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhallinyarada qaarkood ku riixa inay ku biiraan falalkaas, isaga oo xusay in dad badan ay dhowaan ku dhinteen hawlgallada burcad-badeednimada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalal ay ka mid yihiin Hindiya ay ku xiran yihiin dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo, kuwaas oo lagu qabtay iyaga oo ka hawlgala biyaha dalalka kale.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ay dib u soo cusboonaadeen, taasoo walaac ku abuurtay maraakiibta ganacsiga iyo amniga isu-socodka badda ee gobolka.













