Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xisbiyada mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ku casuumay gogol wadatashi qaran oo magaalada Muqdisho ka furmi doonta 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026, si looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu casuumaad rasmi ah u fidiyey Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan shirka.
Gogoshan ayaa imanaysa xilli ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka dalka iyo sida loo gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Xasan Sheekh ayaa khudbad uu xalay u jeediyey shacabka ku sheegay in albaabka wada-hadalku u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo isu-tanaasul ku dhisan danta guud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkaystay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dib u dhiska nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.













