Xubno Al-shabaab Ku Sugnaa Galgala oo La Sheegay in Diyaaradaha Imaaraadku ka Danbeeyeen Duqeyn Lagu Dilay.

0
8

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay duqeyn ka fuliyeen buuraha Al-Madow ee Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sida ay saraakiil maxalli ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Duqeynta ayaa ka dhacday marinka buuraha Galgala ee silsiladda Al-Madow, iyadoo saraakiishu sheegeen in weerarka lagu bartilmaameedsaday afar dagaalame oo lagu eedeeyay inay miinooyin ku aasayeen waddooyin ay isticmaalaan ciidamada ammaanka. Laba ka mid ah dagaalamayaasha ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.
Sida ay saraakiishu sheegeen, ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa markii dambe gudaha u galay goobta, halkaas oo ay ku dileen labadii dagaalame ee ku dhaawacmay duqeynta.
Labada sarkaal ayaa sidoo kale AFP u sheegay in diyaaradaha Imaaraadku ay Isniintii iyo Talaadadii sameeyeen duullimaadyo sahamin ah, kaddib markii Al-Shabaab ay qarax miino kula beegsatay ciidamada ammaanka Puntland. Diyaaradaha ayaa la sheegay in laga soo diray garoonka diyaaradaha Boosaaso, oo Imaaraadku ku leeyahay saldhig milatari.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya tan iyo bishii Nofeembar 2025, sida ay sheegtay AFP.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Puntland ay maalmaha soo socda ku dhawaaqi karto guluf cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Inkasta oo joogitaanka Al-Shabaab ee Puntland uu ka yar yahay kan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddana kooxda ayaa muddo sannado ah saldhigyo ku lahayd buuraha Al-Madow, halkaas oo ay ciidamada ammaanku ka wadaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka.

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka shisheeye ee taageera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, hase yeeshee xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xumaaday, iyadoo ay jiraan khilaafaad la xiriira taageerada Abu Dhabi ay siiso dhinacyo siyaasadeed oo heer gobol ah, gaar ahaan Somaliland oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii, balse aan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.