160 muwaadin oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah, oo ay kamid yihiin Puntland, Somaliland iyo Jubbaland.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya muwaadiniinta ku dhibaateysan dalalka ay tahriibka ku galeen, gaar ahaan Yemen oo ay colaado ka socdaan.
Dadka lasoo celiyay ayaa lagu qaabilay xarunta Returnee Integration Center, halkaas oo lagu siinayo adeegyo ay kamid yihiin baaritaan caafimaad, diiwaangelin, kaarar aqoonsi iyo taleefanno, iyadoo sidoo kale laga caawinayo inay gaaraan deegaannadooda.
Liibaan Cabdi Cigaal ayaa sheegay in dadka Yemen kasoo laabanaya ay sii badan karaan, isagoo xusay in ay jiraan Soomaali badan oo Yemen ku nool, kuwaas oo qaarkood UNHCR uga diiwaangashan yihiin qaxooti. Wuxuu sheegay in dadka hadda soo laabanaya ay iyagu codsadeen inay dalkooda ku soo laabtaan, ayna jirin cid si khasab ah u soo celisay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda, iyadoo kaashanaysa hay’adaha ay khusayso, ay dadka soo laabanaya u diyaarinayso shaqo-abuur, tababbarro iyo taageero ganacsi, si ay dib ugu dhex milmaan bulshada una helaan nolol ay ku sii wataan gudaha Soomaaliya.













