Shuruudaha Kaarka NIRA Awgood oo Duulimaadyadii Muqdisho iyo Puntland Baaqdeen.

0
8

Duulimaadyadii maxalliga ahaa oo u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Puntland ayaa saaka baaqday, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay dhaqan gelisay shuruud dhigaysa in dadka gudaha dalka ku safraya ay haystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA.

Diyaaradda Freedom Airlines oo saaka lahayd duulimaad ka ambabaxayay Garowe kuna sii jeeday Muqdisho iyo Nairobi, ayaa rakaabkii loogu sheegay garoonka diyaaradaha Garowe in aysan safri karin, maaddaama aysan haysan kaarka aqoonsiga qaranka.

Puntland ayaa kamid ah meelaha aan laga qaadan kaarka NIRA, iyadoo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka aysan xafiisyo ku lahayn deegaannada Puntland. Arrintan ayaa sababtay in qaar kamid ah dadka doonayay inay safraan ay garoonka dib uga soo laabtaan.

Hay’adda NIRA ayaa bishii September sheegtay in laga bilaabo 1-da October 2026 qofka aan haysan kaarka aqoonsiga qaranka uusan ku safri karin gobollada dalka, waxayna shacabka ugu baaqday inay iska diiwaangeliyaan xarumaha hay’adda si ay u qaataan kaarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in la gaari doono xilli kaarka NIRA uu muhiim u noqon doono adeegyada kala duwan ee bulshada, isagoo tusaale u soo qaatay safarka, helitaanka baasaboorka, furashada akoon bangi iyo adeegyada isgaarsiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qofka aan haysan aqoonsiga qaranka ay mustaqbalka adeegyada qaar ku adkaan doonaan, halka qofka haysta kaarkana ay u fududaan doonaan adeegyada uu u baahan yahay.

Hirgelinta shuruuddan ayaa Puntland ka dhalisay walaac, maadaama dadka deegaannadaasi aysan weli haysan fursad ay kaga diiwaangashan karaan nidaamka NIRA, iyadoo saaka ay saameysay dadka doonayay inay u kala safraan Puntland iyo Muqdisho.