Taliyaha Nabad Sugida Degmada Shibis Oo Caawa Ay Toogteen Kooxo Ku Hubeysan Biskoolado.

0
485

Cali Abooto Oo Ahaa Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Ayaa Caawa Rag Ku Hubeysan Biskoolado Waxa Ay Ku Dileen Degmada Shibis ee Gudaha magaalada Muqdisho.

Sida Ay Warsom U Xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku sugan Goobta Falka Dilka Ah Uu Ka Dhacay ayaa sheegay in Dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ay degmada Shibis ku toogteen Cali Abooto oo ahaa taliyihii Degmadaasi.

Shibis Ayaa Waayahanba Ka Dhicin Wax Dilal Ah Iyadoona Ay Degmadaasi kamid aheyd meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha hubeysan ee beegsada saraakiisha Dowlada.

Falkaani Lagu Dilay Taliyaha Degmada Shibis Cali Abooto ayaa Imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka socdeen howlgallo Lagu Baacsanayo Haraadiga Amnidarada Ka Wada Muqdisho Ee Al.shabaab.