Gudoomiyaha golaha aqoonyahanada beesha digil iyo mirif prof. Ibraahim heerow oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in la xaliyey xil ka qaadis uu dhawaan gudoomiyaha baarlamaaku ku sameeyey gudoomiyaha gobolka baay c/fitaax geesey.
Prof. Heeroow ayaa sheegey in leysku afgartey in c/fitaax geesey uu sii ahaanayayo gudoomiyaha gobol baay inta laga helayo nidaam ay dadka gobolku soo dooranayaan warkan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan uu xil ka qaadis uu ku sameeyey gudoomiyaha barlamaanka maxamed sh cismaan jawaari uu ka biyadiidey gudoomiyaha gobolka baay c/fitaax geesey.
Waa markii ugu horeysey oo ay soconweyso warqad ka soo baxdey xafiisyada dawladan uu m/weynaha ka yahey prof xasan shekh maxamuud oo dad badani ka baqaan in loo adeegsado ciidamada amisom,waxaana dhici karta in gobolo badani ku deydaan oo gudoomiyeyaal kale ay la yimaadaan xujada uu la yimid gudoomiye geesey.




