Gudiga difaaca baarlamanka dalka burindi xubna ka mid ah oo muqdisho soo gaarey.

0
500

Waxaa dalka booqasho rasmi ah ku yimid xubno ka mid ah gudiga difaaca baarlamaanka dalka burindi oo uu hugaaminayey gudoomiyaha gudiga difaaca barlamaanka dalka burindi Haki samiin.

Dawlada dalka burindi oo ka mid ah dawladaha ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya ayaa waxaa gudigan ku soo dhaweeyey garoonka aadan cadde airport qaar kamid ah xubnaha gudiga difaaca barlamaanka soomaaliya,iyagoo sida ay sheegeen la kulmi doona maalmaha soo socda gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya maxamed sh cismaan jawaari,islamarkaana arki doona ciidamada iyo saraakisha dalkan soomaaliya jooga.

Wafdigan burindi ka socda ayaa ah kii ugu horeeyey oo heerkan lamid ah ee dalka soomaaliya booqasho ku yimid,waxeyna sheegeen in uu aad u korayo xiriirka u dhaxeeya labada dal ayna wax badan ka ogaan doonaan xaalada amni ee uu ku suganyahey dalka soomaaliya,wafdiga ayaa ugu danbeyntii loo galbiyey halki loogu talo galey in la dajiyo.