Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madowe) Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni ayaa sheegay in dhowaan magaalada Kismaayo uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta gobolada Jubooyinka Gaar Ahan Kismayo.
Axmed Madowe Oo Shir Jara’id Ku Qabtay Magaalada Kismaayo ayuu Ku sheegay in aanay aqbali doonin maamul aysan dadka deegaanka soo dooran in dowladda u soo magacawdo, isagoo cadeeyay inuu diyaar u yahay inay xilka ku wareejiyayaan cidii Ay Soo Doortaan dadka deegaanka.
Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Axmed Madoobe Gudoomiyaha Raaskamboniyiinta in dowladda Soomaaliya ay shir gudoomin doonto shirweynaha maamul u sameynta ee dhowaan ka furmaya Kismaayo, isla markaana dadka deegaanka ay dooran doonaan cidii hogaamin laheyd Gobolkaasi.




